Wariyeyaasha Idaacadda Sanguuni oo maanta tababar loo furay

0
171

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababar socon doona muddo sadex maalin ah ayaa waxaa uu maanta uga furmay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose hawl wadeenada Idaacadda Sanguuni kaasi oo lagu bari doona inta uu socdo mabaadiida saxaafada wanaagsan, doorashada mawduuca wareysiga, iyo Barnaamijyada doodaha ah, maareynta hal abuurka fikradaha cusub iyo qodobo kale oo muhiim u ah horumarinta saxafiga.

Qaar kamid ah hawl wadeenada Idaacada Sanguuni ayaa kawarbixiyay waxyaabihii ay ku barteen tababarka.

Dhanka kale Agaaismaha Radio Sanguuni Xasan Maxamed Cabdullahi ayaa sharraxaad kabixiyay waxyaabihi uu daarnaa tababarku isagoona u mahadceliyay mas’uuliyiinta tababarka bixineysay, hawl wadeenadana kula dardaarmay iney si wanaagsan uga faa’iideystaan tababarka mudada uu socdo.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa