
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxaha u dooda xuquuqda saxaafadda ayaa dowladda Koonfurta Sudan ugu baaqay in ay sii daayaan lix wariye oo la xiray ka dib markii la baahiyay muuqaal la sheegay in uu muujinayay madaxweyne Salva Kiir oo isku kaadinaya.
Shaqaalahan oo ka tirsan warbaahinta dowladda Koonfurta Suudaan ayaa Talaadadii waxaa xabsiga u taxaabay xubno ka tirsan Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka, sida uu sheegay Guddiga Difaaca Suxufiyiinta, oo xiganaya warbixinnada warbaahinta iyo ilo kale oo arrintan la socda.
Waxaa ku socda baaritaan ku saabsan muuqaal bishii December lagu faafiyay baraha bulshada, kaasi oo u muuqday in uu muujinayo Kiir oo is-qooyay xilli uu ku jiray howl rasmi ah, sida ay wararku sheegayaan, ayay CPJ oo fadhigeedu yahay New York ku tiri bayaan ay gelinkii danbe ee Jimcihii soo saartay.
Ururka wariyeyaasha qaran ee Koonfurta Sudan ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda in ay “si degdeg ah ku soo gabagabeyso” baarista ay ku waddo lixda wariye oo uu ururku sheegay in lagu tuhmayo in ay “wax ka ogaayeen in qeybo ka mid ah muuqaalka la baahiyo”.
“Haddii uu jiro kiis anshax-xumo xirfadeed ah ama dembi markaa mas’uuliyiintu waa in ay dedejiyaan hab maamul ama sharci si arrintan ugu dhacdo hannaan caddaalad ah, daah-furan oo waafaqsan sharcig,” ayuu ururku ku yiri bayaankiisa.