Wareeggii koowaad ee xabbad-joojinta Qasa oo natiijo la’aan kusoo dhammaaday

0
34

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wareeggii ugu dambeeyay ee wada-hadallada xabbad-joojinta dadban ee u dhexeeyay Israa’iil iyo Xamaas ayaa ku dhammaaday natiijo la’aan, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal Falastiini ah oo wax kala socda wada-xaajoodyada.

Sida uu sarkaalku sheegay kalfadhigu waxa uu socday ku dhawaad ​​saddex saacadood iyo bar, waxaanu ka dhacay laba dhismo oo kala duwan oo ku yaala magaalada Dooxa.

Farriimo iyo caddeymo ayay is dhaafsadeen labada dhinac iyagoo isu marinaya dhexdhexaadiyeyaasha Qadar iyo Masar, balse ma jirto wax horumar ah oo laga gaaray.

Mas’uulkan ayaa intaa ku daray in la filayo in maanta oo Isniin ah ay dib u furmaan wada-hadallada, iyadoo dhexdhexaadiyeyaasha ay qorsheynayaan inay kulamo goonni-goonni ah la yeeshaan wafdi walba, si looga gudbo caqabadaha jira, loona soo koobo farqiga u dhexeeya labada dhinac.