Warbixn:-Xuska Maalinta Macalimiinta Soomaaliyeed oo maanta ku Began.

0
418

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-21-ka Novembar waa maalin ku wayn umada Soomaaliyeed, waxayna ku asteesantahay maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel ay Soomaali joogtaba laga xuso.
1974-tii bishii November 21-keeda ayaa loo aqoonsaday maalinta macalinka waxaana shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdii Millateriga ahayd ay si wadajir ah u muujin jireen muhiimadda maalintan oo kale.
Waa maalin ka mid ah maalmaha ku wayn Qaranka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasixaa dugsiyada iyo dhamaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallinka.

Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa warbixintan ku egeysa.