Warbixin:Maxaa sababay in Haweenka Soomaaliyeed ay ku soo Bataan ganacsiga nuucyadiisa kala duwan?

0
183

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Haween badan oo Soomaliyeed waxaa ay ganacsiga ku biireen iyagoo aanan aqoon fiican u lahayn habka maareynta,waxaana intooda badan in ay ganacsiyo yar yar bilaabaan ku kalifay burburkii iyo xaaladihii adkaa ee uu dalku soo maray.

Haween badan oo ku nool gayiga somaliyeed ayay fursad u noqotay ganasiga noocyadiisa kala duwan kuwaas oo ka raadiya nolol maalmeedkooda si ayna ugu dabaraan nolosha qoysaskooda.

Hadaba haweenka  ku nool magaalada dhoobley ee gobolka jubada hoose ayaa ahaa kuwo mudooyinkii ugu dambeeyay kusoo badanayay ganacsiga qeybahiisa kala duwan iyagoona qayb weyn ka qaata ganacsiga degaanka.

Qaar kamid ah haweenka ganacsatada ee magaalada dhoobley oo cod baahiyaha sanguuni la hadlay ayaa sheegay waxyaabaha sababay ina haweenku ay kuso bataan ganacsiga noocyadisa kala duwan islamarkaana carabka ku dhuftay in ay rabaan in ay ganacsiga meel sare ka gaaraan.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa