Warbixin:-Waa sidee Xaalada nololeed ay ku nool yihiin dadka ay xolihii dhaafeen ee soo gaadhay Degmada Dhoobley.?

0
202

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Abaaraha xoggan ee ku dhufatay qeybo badan oo kamid ah Gobolada Dalkeena Soomaaliya ayaa Saameyn nololeed ku yeeshay guud ahaan Bulshada ku nool Qeybo badan oo kamid ah Dalkeena gaar dadka xoola dhaqato ah.

Dad badan oo kamid ahaa xoola dhaqato Beeraleyda dalkeena dhaafeen xoolihii ay noloshoodu ku tiirsaneyd ayaa xilagan Barkac ku noqday Kaamam looga sameeyaay Magaaloyinka.

Qaar kamid ah Barakacayasha ku nool Kaam Daryeel Ee Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose islamarkaana ah dad ay xolihii ay dhaqan jireen dhaafisay Abaarta ba’an ee ka jirta guud ahaan Geeska Africa ayaa iga warbixiyay xaaladooda nololeed iyo Baahiyaha ay qabaan iyago Dowlad Goboleedka Jubbalaand iyo Ha’yaddaha Samafalka ka codsaday in laga Caawiyo Adegyada Aas aasiga u ah nolosha Bulshada.

Sido kale waxaan dhankiisa wareysi layeelanay Guddomiyaha Kaamkaasi Daryeel ee Magaalada Dhoobley Iidle Aaden Xasan isago Dhankiisa kawarbixiyay xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka ay xooluhu dhaafeen ee soo gaadhay kaam Daryeel.

Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa ka warramaya