Warbixin:-Waa maxay xanuunka macaanka sidee ayaana loga hortagi karaa?

0
166
Woman Performing Blood Test on Herself

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Cudurka macaanka ama sokorowga waa cudur leh sababa kala duwan dadka qabaa’ina ay dhiigoodu ku badantahay sokorta.

Waqti dheer hadii cudurkan uu sii raago waxa uu keeni karaa caqabado ay kamid yihiin cudurada wadnaha, sida wadnaha oo istaaga, kilyaha oo shaqa gaba, indha la’aan iyo dhibatoyin dhanka uurka ah hadii mamada xaamilada ah uu kudhaco sokorta.

Sababaha ugu badan ee qofka uu kugu dhici karo cudurka waxa ay noqon karaan kuwa dhaxal ah oo kaga yimid waalidkiisa oo horay uqabay cudurka macaanka, sababa la xiriira Deegaanka sida cunada uu qofku cunayo.

hadaba warbixintan waxaan ku eegeynaa muxuu yahay xanuunka macaanka sideena ayaa loga hortagi karaa.

uga horeyn waxaan wareysi la yeelanay qaar kamid ah bulshada ku nool Deegaanka Dhoobley islamarkaana la nool cudurka macaanka iygao ka warbixiyay saamaynta ay kala kulmeen cudurkan iyo halistiisa.

Dhanka kale si aan wax badan uga ogaano cudurka macaanka ama sokorta waxaan dhankiisa wareysanay Dr Sayid Cawil Cigaal oo kamid ah dhaqaatiirta Deegaanka Dhoobley waxuuna sharaxaad ka bixiyay cudurka macaanka waxyaabaha keena iyo sida loga hortagi karo.

Maxamed Cali Samow.ayaa warbixinatan ku eegaya