Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Marayanka Donald Trump ayaa sheegay inuu la hadli doono madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin isniinta si ay ugu wadahadlaan joojinta colaada Ukraine, isagoo sheegay in wicitaanku ku saabsanaan doono “joojinta daadinta dhiigga”.
Qoraal lagu daabacay barta bulshada ee Truth Social, Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in wicitaanka uu dhici doono 10:00 subaxnimo waqtiga Mareykanka (14:00 GMT), kadibna uu la hadli doono Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky iyo qaar ka mid ah madaxda waddamada gaashaanbuurta NATO.
Ruushka iyo Ukraine kama aysan gaarin wax horumar weyn ah kulankii fool ka foolka ahaa ee ugu horreeyay muddo saddex sano ah oo ka dhacay magaalada Istanbul Jimcihii, inkasta oo ay isla oggolaadeen is dhaafsiga maxaabiista.
Trump wuxuu soo jeediyay inuu ka qayb galo wadahadalladii ka dhacay Turkeyga haddii Putin uu isna tagayo, balse Madaxweynaha Ruushka ayaa diiday inuu yimaado wadahadalladii ka dhacay dalka Turkeyga.
Hadalka Trump ayaa imaanaya kadib markii uu soo jeediyay in horumar laga gaari karo joojinta dagaalka kaliya haddii isaga iyo Putin ay yeeshaan kulan fool ka fool ah.