Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Muddo yar oo bila ah oo uu xafiiska joogay, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku guul daraystay inuu nabad u keeno Qaza iyo Ukrain. Waxaa uu duqeeyay Yemen. Waxaa uu qaada dagaal dhaqaale oo caalamka. Hadda waxaa uu diirada saarayaa Iiraan.
Iiraan waxaa ay diiday inay leedahay doonitaanka. Laakiin wadamada kale waxaa ay aaminsan yihiin jamhuuriyada Islaamiga inay doonayso ugu yaraan inay dhisato madaxyada Nukliyeerka, doonitaan dadka qaar ay ka cabsi qabaan inay dhalin karto tartan hubka ama dagaal ka dilaaca bariga dhexe.
Sanadkii 2015, IIraan ayaa ogolaatay heshiis ay la gasho Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka iyo Shiinaha, taasi oo loogu magac daray heshiiska JCPOA.
Doonitaanada Iiraan ayaa xadaynaya rajadeeda Nukliyeerka, iyada oo u ogolaanaysa kormeerayaasha caalamiga, waxaana badalkeeda ay doonaysaa in laga qaado cunaqabataynada dhaqaale.
Laakiin Trump waxaa uu Maraykanka ka saaray heshiiska sanadkii 2018.
Iiraan waxaa ay ka dib baalmartay qaar ka mid ah heshiisyadii la xadeeyay, iyada oo hormarisay Yuraanyoomta shidaalka Nukliyeerka.
Falanqeeyaasha ayaa ka cabsi qaba inay dhowaan arki doonaan in ku filan oo darajada hubka Nukliyeerka si uu u sameeyo madaxyada Nukliyeerka.
Hay’adda tamarta atoomikada caalamiga (IAEA) ayaa ku qiyaasaysa Iiraan leedahay 60% Yuraanyoomta la hormariyay oo ay suurtagal tahay inay ka samayso ilaa lix bambaano, haddii loo sii hormariyo heerka ugu dambeeya.