Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Sugaanta Soomaalidu waa qeyb kamid ah dhaqanka Soomalida gaar ahaan fanka iyo sugaanta u khaaska ah dadka Soomaliyeed.
Suugaanta Soomaalida waxaa loo kala saaraa noocyo kala duwan waxaana kamid ah gabayga, geeraarka, heesaha, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo kuwa kale.
Tan iyo wakhtigii hore bulshada Soomaaliyeed waxey caan ku aheyd hal abuurka gabayada, geeraarka iyo noocyada kala duwan ee suugaanta taasi oo qeyb ka ahayd nolasha maalinlaha ah ee bulshada.
Oraahda afka iyo fariimaha waxay aheyd nidaam bulshadu wax iskugu gudbiso dhacdooyinka sheekada iyo wixii lamid ah.
Maxamed Axmed Maxamed waa mid kamid ah Abwaanada ku nool Degmada Dhoobley waxaana kawareystey sugaanta iyo tariikhda ay leedahay iyo hababki kala duwanaa ay wax u curin jireen.
Dhanka kale Abshir Axmed oo kamid ah bulshada ku nool Degmada Dhoobley ay dhankiisa ka hadaley Ahmiyad uu laha fanka iyo suuganta Soomaaliyeed.
Naxwo Axmed Kadiye.ayaa warbixintan ku eegeysa