Warbixin:-Sidee looga hortagi karaa sameynta ka dhalata abaaraha soo noq noqda ee ka dhaca dalka?

0
135

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiliyada ay musiibooyiinka dhacaan gaar ahaan abaaruhu waxa ay saameeyaan dhamaan noolaha oo dhan, abaartii ku raagtay gayiga somaalida waxay saamayn balaaran ku reebtay dadka xoola dhaqatada ah kuwaas oo noloshooda kutiirsanayd dhaqashada xoolaha.

Degmada dhoobley waxaa si maalinla ah u soo gaara qoysas somaali ah kuwaas oo gabi ahaamba abaarta baabi’say xolahooda.

Maamulka Degmada dhoobley ayaa marba marka kasii dambeysa baaqyo u dira hay’adaha samafalka iyo cid waliba oo garab siin karta  walalaha soomaliyeed ee abaaruhu saameyeen

Hadaba Qaar kamid ah Dhalinyarada Aqoonyahanada ah ee ku nool Degmada Dhoobley ayaa faah faahin kabixiyay sida looga hortagi karo saameynta ka dhalata abaaraha soo noq noqda ee ka dhaca dalkeena.

Naxwo Axmed Kadiye. ayaa ka warramaysa