Warbixin:-Sidee loo caawin karaa caruurta ay nafaqa darrada ku hayso goobaha ay Barakacayaasha ku nool yihiin?

0
127

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Nafaqo-darridu waa xaalad caafimaad darro oo ay qofka ka maqanyihiin amaba ku badanyiihiin nafaqooyinka ay ka midyihiin booratinka, kaarbohaydaraytka, macdanaha, fiitaminada, duxda iyo biyaha.

Nafaqo-daridu waxay saameysaa korniinka jidhka iyo maskaxda caruurta yar yar.

Waxaa jiro Dad Barakacayaal ah oo Ku nool Degaanka dhoobley oo intooda badan Kaso Hayaamay degaanadoodii Iyagoo ay kaso barakacisay abaar baahsan oo Ku dhufatay Dalkeena.Waxayna sababtay in ay dadkasi noqdaan Barakac Iyagoo Hadana la il daran Xanuno kala duwan.caruurta ayaa ah kuwa ay inta badan ay saamayso Nafaqo darida iyo xanuunada lamidka ah.

Hadaba inagoo warbixinteenan ku eegayno Sida loo caawin karo carurta yar yar ee Barakacayasha ah ee ay hayso nafaqo darida ayaa waxaan waraysi la yeelanay qaar kamid ah dhaqaatiirta ka hawl gala MCH-ka boosniya ee magaalada dhoobley kuwaas oo ah kuwo inta badan caawiya caruurta nafaqo darrida hayso.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa