Warbixin:-Sidee adeeg caafimaad oo tayo leh loogu heli karaa bulshada Soomaaliyeed?

0
347

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kumanaan khubaro caafimaad oo caalamka ah ayaa isku duwaya barnaamijyo badan si loo hubiyo in dad badan, iyo gaar ahaan kuwa ku nool faqri aad u xun, ay helaan daryeel u siman, oo la awoodi karo si ay u hoggaamiyaan nolol caafimaad qab ah, farxad leh, iyo nolol wax soo saar leh.

Yoolka Caafimaadka loo dhan yahay waxa uu yahay Qorsha in, in kabadan kala bar degmooyinka dalka oo dhan laga hirgaliyo xaruumo caafimaad oo tayeysan, taasi oo u sahleysa inay ka faa’iideystaan dadka danta yar, si aysan u dareemin culeys Caafimaad.

Magaalada dhoobley waxaa ku yaala Xaruumo caafimaad oo u qaabilsan in bulshada ka helaan adeegya caafimaad oo dhameystiran balse wali waxaa ka muuqata deegaanka baahi loo qabo helintaanka adeegyo caafimaad oo dhameystiran.

Hadaba Sidee ayey Bulshada Soomaaliyeed ku heli karaan Adeeg Caafimaad oo sarreeya?. Su’aashaas iyo kuwa kalaba waxaan ka jawaabaya Digtoor Sayid Cawil Cige

Naxwo Axmed Kadiye. ayaa warbixintan inooga diyaarisay