Warbixin:-Kim Jong-un: “Dalkeyga wuxuu u dhaxeeyaa nolol iyo geeri”

0
230

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay in dhaqaalaha liita uu sanadkan noqon doono muhiimadda koowaad ee dalkiisa iyadoo dalkaasi uu wajahayo “hardan nolol iyo geeri u dhaxeeya”.

Wuxuu ka hadlayay shirka xisbiga talada haya, oo ku soo aaday sana-guurada 10-aad ee uu Kim xilka hayo.

Kuuriyada Waqooyi ayaa la daalaa dhacaysay cunno yaraan baahsan, kaddib xayiraad uu iskiis dalkaas u soo rogay sababo la xiriira xanuunka Covid-19.

Khudbadiisa si toos ah uguma uusan soo qaadin Mareykanka amaba Kuuriyada Koofureed.

Kim ayaa sheegay dardargelinta horumarinta nolosha dadka ay tahay muhiimadda koowaad.

Wuxuu garwaaqsaday xaaladaha adag ee 2021 uu dalkaasi baday iyo muhiimadda ay leedahay in la xalliyo dhibaatada cuntada, dhaka iyo guryaha ee ay dadku qabaan.

Wuxuu sheegay in sidoo kale la dagaallanka xanuunka safmarka ah uu ka mid yahay hadafka sanadkan, sida laga soo xigta wakaaladda wararka dalkaas ee KCNA.

Wuxuu Jimcihii ka hadlayay gabagabada kulanka 4-aad ee xisbiga talada haya ee WPK, kaas oo furmay Isniintii.

Waxaa horraantii sanadkii hore soo baxayay warar sheegaya in dadweynaha dalkaas ay gaajo la il daran yihiin.

Xadka dalkaas ayaa xirnaa tan iyo bishii January 2020 si looga hortago xanuunka Covid-19.

Hadalka Kim ayaa bulshada dalkaasi wuxuu uga dhigan yahay in hoggaamiyahooda uu haatan diiradda saarayo daboolidda baahiyahooda, iyagoo wajahaya sanad kale oo dhaqaale xumo ah.

Khudbadaha sanadka cusub ee Kim ayaa waxaa sanadihii hore lagu soo dari jirya farriimo uu u diri jiray Kuuriyada Koofureed iyo Mareykanka, balse sanadkan ma uusan soo hadal qaadin.

Dhammaadkii sanadkii hore, Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koofureed, Mareykanka iyo Shiinaha ayaa isku raacay inay ku dhawaaqaan in la soo afjaray dagaalka Gacanka Kuuriya.

Balse weli wada-hadallada ayaan bilaaban sababo la xiriira dalabaadka Kuuriyada Waqooyi, sida ay sheegtay Kuuriyada Koofureed.