Warbixin:-Jasiiradda ugu yar dunida oo ay ku nool yihiin 11 qof oo kaliya ah.

0
175

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Jasiiradda Tavolara waxaa ka taliyaa boqor waxaana loo yaqaanaa boqortooyada Tavolara, waxay masaafo ahaan ku fadhidaa 5 kiiloomiitar.
Waa jasiirad yar oo ku taalla badda Mediterranean-ka oo u dhaw gobolka
Sardinia ee dalka Talyaaniga, waa jasiirad soo jirtay tan iyo markii Talyaaniga
aanan loo aqoonsanin dal.

Waxaa jasiiraddan ka taliyaa boqor lagu magacaabo Antonio Bartalioni, xitaa
marka aad booqato waxaa adag in aad aqoonsato boqorka maadama aadan ku
arkeyn astaamo gaar ah oo muujinayo boqornimadiisa, kumana labisna dhar
gaar ah oo muujinayo boqornimadiisa.

Boqorka Tavolara wuxuu sanadkan u dabaaldegayaa xuska 180 sanoguuradii
kasoo wareegtay aasaaska jasiiraddan.
Dadka ku nool jasiiraddan iyo boqorkaba waxay mas'uuliyad weyn iska saaraan
xuska munaasabadda oo looga hadlayo taariikhda jasiiradda iyo jiilashii soo
maray.Sida laga soo xigtay boqor Antonio Bartalioni, soddogii Giuseppe
Bartalion, wuxuu kasoo qaxay Talyaaniga sanadkii 1807 kadib markii uu
guursaday labo gabdhood.

Xilliggaas Talyaaniga looma aqoonsaneyn dal, waxaana kama mamnuuc ahaa in
halkaas lagu guursado labo gadbdhood, wuxuu usoo cararay jasiiraddan oo uu
nolol cusub ka bilaabay.

Boqorka Tavolara wuxuu heshiis nabadeed la galay dalal badan, waxaa kamid
ahaa shakhsiyaadka uu heshiiska la saxeexday Garibaldi oo ahaa aasaasihii
Talyaaniga.Kadib wuxuu heshiis kale la saxeexday boqorkii gobolka Sardinia,
Vittorio Emmanuel II, kaas oo ku saabsana xoojinta amniga sanadkii 1903.
Maamulkii gaarka ahaa ee jasirradda Tavolara ayaa soo afjarmay markii
ciidamada gaashaanbuurta Nato ay saldhig ka sameysteen halkan.

Man jirin dal
aqoonsaday Tavolara, boqor Antonio Tavalara iyo qoyskiisa waxay xilliggaas
jasiiradda kaga baxeen dooni dalxiis oo ka timid dhinaca Talyaaniga