Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xilli ciyaareedka 2024-25 ayaa la rabay in uu noqdo xilli ciyaareedkii ay Arsenal Talaabo u qaadaysay ku guulaysiga premier League.
Kadib markii ay laba xilli ciyaareed oo xidhiidh ah ku dhamaysteen kaalinta 2-aad, kalsoonida Arteta ayaa ahayd mid saraysa iyaga oo aaminsanaa in ay xilli ciyaareedkan ku guulaysan doonaan premier League.
Laakiin rajada Arsenal ee horyaalka ayaa sii dhimanaysa iyaga oo ka dambeeya hogaamiyayaasha horyaalka ee Liverpool.
Sababta ugu weyn ayaa ah in ayna Arsenal haysan weeraryahan toos ah iyada oo kaliya ku tiirsanayd xiddiga Bukayo Saka si ay goolal u dhaliyaan.
Sidaas darteed Arsenal ayaa suuqa January u gali doonta weeraryahan cusub.
Victor Osimhen (Galatasaray)
Osimhen ayaa si amaah ah ugu biiray Galatasaray xilli ciyaareedkan isaga oo kaga soo biiray Napoli ilaa June 2025.
Waa amaah qalalan laakiin waxaa jira 75 milyan oo lagu bur-burin karo heshiiskiisa suuqa January.
Viktor Gyokeres (Sporting Lisbon)
Marka laga hadlayo lacagta lagu bur-burin karo heshiiska Viktor Gyokeres ayaa heshiiskiisa kooxda Sporting lagu bur-burin karaa 100 milyan oo euro.
Sporting ayaan aqbali doonin wax ka yar xagaaga ka hor sidaas darteed waxa ay Arsenal ku qaadan doontaa lacag badan si ay ula soo saxiixato weeraryahanka Sweden.
Dusan Vlahovic (Juventus)
Juventus ayaa bisha January dhageysan doonta dalabaadka Dusan Vlahovic maadaama uu qandaraaskiisu dhacayo 2026 wadahadalada dib u cusboonaysiinta ayaan wax saamayn ah laga samayn.
Vlahovic sidoo kale waa ciyaaryahanka ugu mushaarka badan Serie A, Juve ayaana jeclaan laheyd inay iska iibiso si ay mushaharkiisa meesha uga saarto.
Randal Kolo Muani (PSG)
Randal Kolo Muani ayaa kaliya 3 kulan ku soo bilowday horyaalka Ligue 1 xilli ciyaareedkan waxana todobaadyadii u dambeeyay hadal heynta ku saabsan bixitaanka January ay ahayd mid aad u baahsan.
Waxaa la filayaa in PSG ay iska iibiso bisha January haddii ay dalab la aqbali karo hesho Heshiis amaah ah ayaa sidoo kale suurtogal ah.
Alexander Isak (Newcastle)
Alexander Isak ayaa ah mid adag marka la eego in heshiiskiisa Newcastle dhacayo sanadka 2028.
Laakiin iyadoo Newcastle ay u baahan tahay inay iibiso si ay uga fogaato ganaax dhinaca suuqa ah waxa ay aqbali doontaa lacag aad u badan.