Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Haasawuhu waxa gogol xaadh u yahay bilawga xariir ay u jeedadiisu tahay guur hasayeeshee waxaa jira waxyaaba kala duwan oo ay isku xushaaan dhalinta inta lagu guda jiro haasawaaha, waxay isdhaaf sadaan barbaartu hadallo ay ku dheehan tahay kal gacayl isla markaana ruux kasta uu soo bandhigo wanagiisa taas oo keenta isku soo dhawaasha una fududaysa labada ruux ka dhabaynta hadafkooda.
Balse dhalinta maanta ayaa lagu dhaliilaa habxulashada sidokale dhalinta maanta ayaa in ta badan u muuqata in ay waafaqsanayn dhaqankii hore ee soomaliya
Qaar kamid ah dhalinyarada, Odayaasha iyo sidokale dadka waaya aragga ah ee ku nool Magaalada Dhoobley oo la hadlay Raadiyaha Sanguuni ayaa sharraxaad ka bixiyay arinkan.
Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya