Warbixin:-Fadli intee laeg ayaa laga helaa 10-ka Dambe ee bisha Ramadaan?

0
206

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa ah bil ka duwan bilaha kale ee sandka waa bil uu ilahay uu ku wajib yeelay umada musliminta ah inay soomaan sido kalana waa Bishii uu ilaahey soo dajiyay Qur’aanka kariimka ah.

Hadaba warbixintaynan waxaynu ku eegi doonaa fadliga ay ledahay bisha Barakaysan ee Ramadaan Gaar ahaan Tobanka Dambe.Sida caadiga ah todobanka cisho ee bisha Ramadaan u dambeeya ayaa bilaabata habeenka 21-aad ee Ramadan Maalmaha ayaa noqda 10 ama 9 cisho oo la macna ah hadba sida ay bisha ku dhamaato 29 ama 30 maalmood.

Tobankan maalmodd ayaa ah maalmo aad ugu qiima badnaa Nabigeena Muxamad CSWS waxa uu ahaa mid ku laba jibaaro cibaadooyinka inta lagu guda jiro maalmahaan Nabiga CSWS ayaa habeenadaas waxa ay u ahaayeen kuwa kaga gadisan habeenada kale.

Waxa uu inoo sheegay nabigeena Muxamad CSWS sidoo kale in tobankan cisho ay ku jirto hal habeen oo ka qiima badan kun bilood waa Leylatul-khadri, waxaa soo daga malaa’ikta ilaahay iyo raxmada Alle.

Xadiis laga soo wariyay Caa’isha xaaska nabiga CSWS Nabiga waxa uu ahaa marka ay soo gasho tobankan cisho mid dhexda xirta, nooleeya habeenkiisa salaad iyo wardi ku camira.

Hadaba si aan waxbadan uga ogaano fadliga Tobanka Dambe ee Bisha Ramadaan waxaa sharaxaad inaga siinaya Sheekh Xasan Raage oo kamid ah Cumlimada Deegaanka Dhoobley Sheekha ayaa sharaxaya Fadliga ku jira Tobanka Maalmood ee u dambeeya Bisha Barakeysan ee Radamaan iyo sida loga baahan yahay in ay uga faa’iideystaan Umada Muslimiinta ah iyago raacaya Sunaha nabigeena Muxamad CSWS.

Faardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan inooga diyaarisay