Warbixin:-Fadli intee laeg ayaa ku jira soonka Lixda Maalin ee Bisha Shawwaal?

0
345

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Umadda muslimiinta ah ayaa dhammeysatay soonka bisha barakeysan ee Ramadaan waxaana lagutay waajib kamid ah shanta tiir ee islaamka.

Bisha Shawwaal ama soon fur waxaa ku dhax jira lix maalmood oo qofkii sooma uu helayo ajar lamid ah isagoo sanadka oo dhan soomay waana fursad qaali ah oo uu heysto qof walba oo muslim ah islamarkaana caafimaad qaba ee awooda in uu ka faa’iidaysto soonka maalmahan qaaliga ah.

Culimada qaar waxay sheegaan in lixda maalin qaabka loo soomayo aysan kala fadli badneyn laakin qofka muslimka ah ay lagudboon tahay in uu lix maalin uun uu ka soomo shawwaal sida ku cad axaadiithta saxiixa ah ee sheegaysa in ruuxii ramadaan sooma kadibna raacsiiya lix maalin oo shawaal kamid ah uu lamid yahay qof soomay sanadka oo idil.

Hadaba waxan wareysi layeelaney Ibrahim Aadan oo mid kamid ah bulshada ku dhaqan deeganka dhoobley waxaana kawareysanay sida aya uga fai’ideysanayo soonka lixda shawwaalka.

Dhanka kale Maxamed Kadiye oo kamid ah ah culimada deegaanka ayaa ka wareystay faa’idooyinka uu leeyahay soonka lixda shawwaalka.

Naxwo Axmed Kadiye. ayaa warbixintan inooga diyaarisay