Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Shaahu wuxuu kamid yahay nolol maalmeedka dadkeena soomaalida ah, meelaha qaar sida miyigane waxaaba loo cabaa si ka badan biyaha. dadka soomaaliyeed waxay u badan yihin cabistiisa waqtiyada casirka iyo subixi aroorti.
Waxana jiraa goobo u gaar ah shaah oo lagu iibiyo magaalooyinka ilaa baadiyaha xitaa guuriyaha shaaha waxaa uu kayahay waxyabaha Martidaa lagu sooro.
Markii aad dhexmareyso suuqyada magaalada waxaad arkeysaa dad kooxa kooxa u fadhiya oo shaaha cabaya, cod baahiya sanguuni ayaan la dhax marnay dad fadhiyay goob shaaha lagu cabo waxaana kawareysanay cabista shaaha iyo waxyaabaha ka faa’idaan.
Dhanka kale Dr.Abdiraxman mohamed oo kamid ah dhaqaatiirta ka howlgala xaruumaha caafimaad ee ku yaala degmada ayaan dhankisa kawareysanay cabista badan ee shaaha iyo caafimad ahaan qofka waxa uu kala kulmi karo.
Shaaha ayaa gaayiga soomalida ka ahaa waxa kaliyaa ay isticmaakisu ka simaan tahay waxana dhacdaa in dadka qaar maalinteyna caabin ay xanuunsanayaan oo ayna joogi kariin la’aanti.
Naxwo Axmed Kadiye. ayaa warbixintan inooga diyaarisay