Warbixin:-Dhalinyarada Soomaaliyeed Doorka ay ka qaataan Nabada iyo dibu Dhiska dalka.

0
126

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Bulshada soomaliyeed ayaa 75%waxaa lagu qiyaasaa inay yihiin dhalinyaro waxaa ayna dhalinyaradu door wanaagsan ka qaataan horumarrada kala duwan ee dalka ka jira .

Waxaa Lagu Tiriyaa in dhalinyarada soomaliyeed ay yihiin Kuwa kaalin mug leh ka qaadan kara nabada iyo dib u dhiska dalka.

Dhalinyarada Soomaliyeed oo ah ku duruufo adag soo maray mudadii uu dalku bur bursanaa ayaa hadda ah kuwo kaalin firfircoon kaga jira dib u soo kabashada dalka,waxaana ay ka qayb qataan dib u dhiska dalka iyago sido kale door muuqda ka qaadanaya nabada iyo xasiloonida dalka.

Hadaba qaar kamid ah dhalinyarada ku nool magaalada dhoobley oo la hadlay warbaahinta sanguuni ayaa ka warbixiyay doorka ay ka qaataan dhalinyarada nabada iyo waliba dib u dhiska dalka.

Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya