Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Suuqa Kala Iibsiga ayaan wali Furmin laakiin taas ayaan la macno ahayn in ayna kooxuhu samayn Karin saxiixyo
Kooxaha ayaa haatanba bilaabayay wadahadalada ay ku doonayaan xiddigo cusub ka hor inta uuna dhamaan xilli ciyaareedku.
Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doona saxiixyada dhaca inta inta lagu jiro suuqa xagaaga hadii ay tahay tababarayaal ama xiddigo kale.
Liam Delap -> Chelsea
Kooxda Chelsea ayaa si Rasmi ah u bixisay lacagtii lagu bur-burinayay heshiiska xiddiga weerarka ka ciyaara ee Liam Delap.
Kooxda Chelsea ayaa Liam Delap ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaaga.
Blues ayaa heshiis 5 sano ah ka saxiixanaysa xiddiga weerarka ka ciyaara si ay ugu xoojiso kooxda.
Matheus Cunha -> Man United:
Kooxda Man United ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Wolves ee Matheus Cunha kaas oo ay ka dhigtay saxiixii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaaga.
Kooxda Man United ayaa Matheus Cunha kala heshiisay heshiiska shaqsiga ah todobaadkii hore si uu ugu biiro kooxda.
Kooxda Man United ayaa sidoo kale ogolaatay lacag dhan 62 milyan oo euro si ay u hesho xiddiga kadib wadahadalo ay la yeelatay Wolves.
Jeremie Frimpong -> Liverpool
Kooxda Liverpool ayaa dhamaystirtay saxiixeedii ugu horeeyay suuqa kala iibsiga xagaaga kadib markii ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga kooxda Bayer Leverkusen ee Jeremie Frimpong.
Jeremie Frimpong ayaa Liverpool ugu soo biiray heshiis 5 sano ah oo uu ku joogayo kooxda Anfield ilaa xagaaga 2030.
Kooxda Liverpool ayaa bixisay lacagta 35 milyan ee lagu bur-burinayo heshiiskiisa kooxda Leverkusen.
Dean Huijsen ->Real Madrid
Kooxda Real Madrid ayaa ugu dambayn dhamaystirtay saxiixa xiddiga Dean Huijsen kaas oo ay kala soo wareegtay Bournemouth.
Real Madrid ayaa xiddiga reer Spain ee Dean Huijsen ka dhigtay saxiixyadeedii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaaga.
Dean Huijsen ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa sanadka 2030 si uu kooxda ula joogo muddo dheer.
Real Madrid ayaa Dean Huijsen ka bixisay lacag dhan 50 milyan oo euro oo ah lacagtii lagu bur-burinayay heshiiskiisa.
Ancelotti -> Brazil:
Ednaldo Rodrigues, madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Brazil, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in xulka qaranka loo magacaabay tababaraha eer Italy ee Carlo Ancelotti kaas oo haatan ah tababaraha kooxda Real Madrid.
Magaca Ancelotti ayaa in muddo ah lala xiriirinayay inuu tababare u noqon doono xulka qaranka Brazil, waxaana hadda soo baxay madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Brazil si uu u xaqiijiyo saxiixa.
Xabi Alonso -> Real Madrid:
Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in Xabi Alonso noqday tababarohooda cusub.
Real ayaa xaqiijisay in Xabi Alonso qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2028 si uu u hogaamiyo kooxda.
Martin Zubimendi -> Arsenal:
Kooxda Arsenal ayaa durba dhamaystirtay saxiixa xiddiga Martin Zubimendi kaas oo ay kala soo wareegayso kooxda Real Sociedad.
Arsenal ayaa bixinaysa lacagta lagu bur-burinayo heshiiska xiddiga Khadka dhexe iyada oo haatanba heshiis ka saxiixatay xiddiga.
Trent Alexander-Arnold -> Real Madrid:
Trent Alexander-Arnold ayaa ku biiraya kooxda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhoco heshiiskiisa Liverpool.
Xiddiga Trent Alexander-Arnold oo xaqiijiyay in uu ka tagayo Liverpool ayaa si xor ah ugu biiraya kooxda Los Blancos.
Xiddiga reer Engand ayaa ogolaaday heshiis 5 sano ah oo uu kula joogi doono kooxda ka dhisan caasimada Madrid.