Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Inkasta oo uuna wali dhamaan xilli ciyaareedka sidoo kale aan wali aan la soo afjarin xilli ciyaareedka kooxaha ayaa durba bilaabay dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga.
Kooxaha ayaa u dadaalaya sidii ay u dhamaystiri lahaayeen saxiixyada ka hor furitaanka suuqa kala iibsiga xagaaga.
Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada la dhamaystiri karo saacadaha ama maalmaha soo socda.
Matheus Cunha -> Man United:
Kooxda Man United ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga kooxda Wolves ee Matheus Cunha kaas oo ay ka dhigayaan saxiixooda ugu horeeya ee suuqa xagaaga.
United ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Matheus Cunha kaas oo ay ku dhawdahay saxiixiisa.
Milos Kerkez -> Liverpool:
Kooxda Liverpool ayaa wadahadalo kula jirta Bournemouth si ay ula saxiixato xiddiga daafaca Bidix ka ciyaara ee Milos Kerkez.
Liverpool ayaa wakhti hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Milos Kerkez kaas oo diyaar u ah in uu ku biiro Reds.