WARBIXIN: 10 Xiddig Ee Laga Bixiyay 100 Milyan Iyo Wax Ka Badan Suuqa Kala iibsiga.

0
36
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Florian Wirtz ayaa noqday ciyaaryahankii 10-aad ee kubbadda cagta ee lagu soo iibsado lacag ka badan 100 milyan oo Euro.
22-sano jirkaan ayaa u ciyaari doona Liverpool xilli ciyaareedka soo socda, ka dib markii kooxda heysata horyaalka Premier League ay ogolaatay inay Bayer Leverkusen siiso 100 milyan.
Reds ayaa Laga yaabaa in ay bixiso lacag dhan 116 milyan oo euro hadii uu buuxiyo shuruudaha lagu xidhay.
Tallaabadan ayaa sidoo kale ka dhigi doonta xiddiga ugu qaalisan taariikhdooda , xiddiga reer Germany ee ugu qaalisan iyo iibkii ugu qaalisanaa ee ay samayso kooxda reer Germany ah.
Liverpool ayaa haatanba haysata goolhayaha labaad ee ugu qaalisan aduunka (Alisson Becker) iyo difaaca dhexe (Virgil van Dijk).
Halkan waxa lagu soo bandhigayaa 10-ka xiddig ee laga soo bixiyay 100 milyan iyo wixii ka badan
1. Neymar – £200m
2. Kylian Mbappe – £165.7m
3. Joao Felix – £113m
4.Enzo Fernandez – £107m
5. Antoine Griezmann – £107m
6. Philippe Coutinho – £105m
7.Declan Rice – £105m
8. Jack Grealish – £100m
9. Moises Caicedo – £100m
10. Florian Wirtz – £100m