Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Hishiiska Ay Arsenal kula Wareegeyso Joao Felix.

0
145

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Atletico Madrid ee Joao Felix iyada oo Mikel Arteta uu aad u doonayo in uu buuxiyo booska uu uu ka dhaawacmay Gabriel Jesus.

Gunners ayaa weli shan dhibcood ku haysa hogaanka Premier League, laakiin waxa ay la kulmeen dharbaaxo weyn usbuucii hore markii Jesus uu dhaawacmay isagoo u ciyaaraya Brazil.

Weeraryahankii hore ee Manchester City ayaa maray qaliin, waxaana uu wajahayaa ilaa seddex bilood oo uu garoomada ka maqnaanayo.

Waxa uu seegi doonaa qayb weyn oo xilli ciyaareedka ah iyadoo tababare Mikel Arteta uu u baahan yahay bedelkiisa haddii aysan Arsenal rabin in rajadooda hanashada horyaalka ay baaba’do.

Sidaa darteed, majaladda Isbaanishka ee AS ayaa sheegeysa in Arsenal ay u dhaqaaqday saxiixa Joao Felix.
23 jirkan ayaa wacdaro u dhigay xulkiisa Portugal Koobkii Adduunka isaga oo dhaliyay hal gool islamarkaana sameeyay labo caawin afar kulan uu saftay.

Laakiin weeraryahanka ayaa xaalad aan la hubin ku wajahaya kooxda Atletico Madrid.

Sababtoo ah milkiilaha kooxda Gil Marin ayaa mar hore ka dhawaajiyay in la iibin doono Felix.

Wuxuu yiri: “Xiriirka ka dhaxeeya tababaraha iyo isaga ma wanaagsana, sidoo kalena ciyaaryahanka uma muuqdo mid ku faraxsan kooxda.

“Waxa ugu macquulsan ayaa ah inaan ka fikirno bixitaankiisa, inkastoo aan jeclaan lahaa inuu sii joogo, laakiin ma ahan rabitaankiisa.”

Wargeyska Marca ee ka soo baxa caasimada Spain ayaa isna qoraya in Arsenal ay saxiixa Joao Felix kaga horeyso kooxihii markii hore ku tartamayay ee Paris Saint-Germain, Manchester United iyo Aston Villa.

Felix ayaa noqday ciyaaryahanka afaraad ee ugu qaalisan adduunka markii uu 113 milyan ginni kaga soo wareegay Benfica sanadkii 2019kii.

Laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal ayaa ku guuldareystay inuu ka soo baxo wixii laga filayay markii uu tagay caasimada Spain.