Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Da’yarka weerarka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa u muuqda mid gaadhay go’aanka mustaqbalkiisa dhaw sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay.
Mbappe ayuu mustaqbalkiisu ahaa mid aan meel lagu hubin mudo dheer isaga oo ugu dambayn soo gaadhay kama dambaysta heshiiska uu kula jiray Paris Saint-Germain oo uu mudo dheer diidanaa inuu wax qandaraas kordhin ah u sameeyo.
Sida uu sheegayo saxafiga Talyaaniga ah ee Gianluca Di Marzio, Mbappe ayaa gaadhay go’aanka ah inuu heshiis kordhin u sameeyo PSG isaga oo ku wacad-furaya Los Blancos oo mudo dheer ka war sugayay.
Heshiiska ay PSG usoo bandhigtay Mbappe ayaa ah mid uu ku noqonayo xiddiga ugu mushaharka badan dunida oo dhan isaga oo sidoo kale heli doona 100 Milyan oo euro oo xaqal-qalin ah isla marka uu heshiiska saxeexo.
Waxa intaas dheer in Kylian loo gaadhay heerka ah inuu noqdo mulkiilaha mashruuca ay PSG dhisayso isaga oo awood u yeelan doona inuu caydhiyo tababarayaasha kooxda isla markaana go’aamin kara saxeexyada kooxda la keenayo.
Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in Real ay u sheegtay xiddiga French-ka ah inay abid albaabadeeda ka xidhanayso haddii uu lumiyo fursada uu gudaha xagaagan ugu soo wareegayo.