Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wafdi uu hogaaminayo Xisaabiyaha Guud ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdicasiis Maxamed Xasan ayaa maanta gaaray Degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Wafdigan waxaa qayb ka ahaa xubno ka kala socday Wasaaradaha Maaliyada, iyo Wasaaradda Duulista Hawada waxaana Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay maamulka degmada Doolow.
Tagista wafdigan ayaa daarnaa in hada wixii ka danbeeyo ay ka howgalaan dhamaan Wasaaradaha kala duwan ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Degmooyinka Gobolka Gedo ayna si dhamays tiran adeegyadooda u gaarsiin doonaan bulshada ku dhaqan gobolka Gedo.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya
Audio Player