Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS Xildhibaan Jibriil Cabdirashid Xaaji Cabdi, oo iskugu jira Xildhibaano ka tirsan BFS, Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ee Hirshabeelle, Koonfur-galbeed, iyo Galmudug iyo SSC Khaatumo oo ay sidoo kale la socdeen guddoomiyeyaasha Rugaha Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ee heer Federaal iyo heer dawlad goballeed, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda dawladda Jubaland halkaas oo lagu daahfuri doono dawlad goballeedkii ugu horreeyey ee Wasaaraddu gaarsiiso hanaanka diiwaangelinta ganacsiga Soomaaliya oo noqday dawladda Jubaland.
Weftiga oo si heer sarre ah looggu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo, ayaa waxa halkaas ku qaabilay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladda Jubaland, Xildhibaanada iyo Ganacsatada Jubaland, waxaana sidoo kale weftiga qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Mohamed Saney Dalmar, iyo Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladaha Xubnaha ka ah dawladda Federaalka Soomaaliya Hirshabeelle, Koonfur-galbeed, iyo Galmudug, SSC Khaatumo, iyo qaar ka mid ah ganacsatada dalka.
Hirgelinta hanaanka casriga ah ee diiwaangelinta ganacsiga Soomaaliya oo soo maray marxalado kala duwan, ayaa hada maraya heer gebo-gabo ah, waxaana daahfurka barnaamijkan uu daba socdaa iyada oo la fulinayo heshiiskii Dhuusamareeb 11-15kii Maarj, 2023 ay ku soo galeen Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha heer Federaal iyo heer Dawlad goballeedda oo ujeedkiisu ahaa in dawladda Jubaland ay noqoto dawladd goballeedka ugu horreysa ee la gaarsiiyo hanaankan casriga ah.
Hanaankan casriga ah, ayaa ganacsatada u suurtogelinaya inay Shirkadahooda Ganacsi ku diiwaangashan karaan hab casri ah oo onlayn ah iyaga oo jooga xafiisyaddooda taas oo kor u qaaday horumarkii iyo fududeyntii ganacsiga wadanka, dakhli abuurka iyo kobaca dhaqaalaha wadanka.