Wafdi ka socday Wasaaradda Cadaaladda iyo arimaha Dastuurka XFS oo gaaray Kismaayo.

0
96
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Caddaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland mudane Cabdiweli Xuseen Jaamac oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane Cabdullahi Cabdiqaadir Aaden (Qaanuuni) ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay wafdi ka socday Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka XFS iyo hay’adaha UNDP iyo UNSOM.
Wasiirka ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdigan waxaana ay ka wada hadleen arrimaha Cadaaladda Jubbaland iyo xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Wasaaradaha Caddaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya