Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wafdi heer sare ah oo ka socda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uuna hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada XFS mudane Maxamed Faarax Nuux isla markaana uu qeyb ka yahay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Md. Aaxmed Macalin Xasan ayaa magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya uga qeyb-galay shir uu soo agaasimay Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Hawada ee loo yaqaano International Air Transport Association (IATA), shirkan ayaa looga hadlayay horumarinta kaabayaasha Duulista Rayidka iyo is-waafajinta siyaasadaha Duulista iyadoo la raacayo hababka ugu wanaagsan ee caalamiga.
Shirkan ayaa waxaa isugu yimid Hogaanka Duulista Rayidka Caalamka, Shirkaddaha Diyaaradaha iyo Hay’addaha Garoomada Maamula iyadoo diirada la saaray horumarinta addeegyada Duulista Rayidka.
Wafdiga Soomaaliya ayaa shir doceedyo la qaatay Madaxdii kasoo qeyb-gashay shirka; waxayna kulamo mira-dhal ah laa qaateen Wasiirka Gaadiidka iyo Kaaba-yaasha ee Dalka Kenya Md. Davis Chirchir iyadoo kulanka diirada lagu saaray xoojinta iskaashiga Gobolka ee Duulista Rayidka iyo horumarinta isku-xirnaanshaha Gaadiidka labada dal ee Dariska ah.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada mudane Maxamed Faarax Nuux ayaa adkeeyay ka go’naanshaha Soomaaliya ee horumarinta Duulista Rayidka, hubinta iyo ilaalinta shuruucda Duulista Rayidka ee heer Caalami iyo dhiirigelinta kobaca dhaqaale ee ku saleeysan Gaadiidka Hawada.
Ka qeybgalka wafdiga Soomaaliya ee shirkan heer Caalami ah waxay muujineeysaa dadaalada Soomaaliya ay ku bixineeyso casriyeenta Duulista Hawada iyo xiriirka iskaashi ay la leedahay Caalamka intiisa kale.