Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka Dowladda Jubbaland oo ay weheliyaan gaasimaha guud ee Wasaaradda iyo xubno kale ayaa magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay wafdi isugu jiray Wasiirada Wasaaradaha Cadaaladda Dowladaha xubnaha ka ah DFS oo maamulka SSC Khaatumo kujirto, Gudoomiyaasha Maxkamadda Sare ee Dowlad Goboleedyada, Xeer Ilaaliyaasha Dowlad Goboleedyada, Taliyaasha Asluubta, Agaasimayaasha Wasaaradaha Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka iyo xubno kale oo muhiim ah.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka Dowladda Jubbaland Mudane Bishaar Aaden Geedi oo soo dhaweynta ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa Sheegay in u ku faraxsan yahay imaanshaha wafdigan Maanta yimid Magaalada Kismaayo.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya