Waddooyinka waaweyn ee Nairobi oo xiran iyo waxa aan ka ognahay waxa maanta dhacaya

0
48

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Boqollaal qof ayaa la filayaa in ay saaka isugu soo baxaan waddooyinka guud ahaan dalka Kenya si ay u xusaan 35-sano-guurada ka soo wareegatay 7-dii July ee dibadbaxyada dimoqraadiyadda ee Saba Saba loo yaqaanno.

Laakiin si ka duwan sidii hore, bannaanbaxyada sanadkan waxaa hoggaaminaya jiilal da’ yar – oo loogu yeero Gen Z.

Waxaa saaka 5-tii subaxnnimo la xiray qaar ka mid ah waddooyinka, gaar ahaan kuwa soo gala faras-magaalaha caasimadda Nairobi.

Meelo kala duwan oo caasimadda ah ayaa waxaa lagu arkayay booliis badan oo ah kuwa ka hortaga dibad-baxyada.

Sidoo kale, ganacsiyo badan ayaa xiran oo ku yaalla waddooyinka kala duwan ee magaalada sida waddada Moi Avenue.

Qeybaha kale ee dalkana, xalay oo ay taariikhdu ahayd 06/07/2025, rakaabka ayaa ku xannibnaa isgoysyada magaalada Mombasa kadib markii ay dowladdu joojisay adeegyadii SGR ee saldhigga Miritini.

Tani waxay dhacday ka dib markii ay booliisku xireen waddada Dongo Kundu kiyo uwa ka safrayay deegaanka Kwale oo qaarkood ay seegeen safarka tareenka SGR oo siddeed saacadood qaatay.

Kenya

Dhanka kale, wasiirka amniga Kenya Kipchumba Murkomen ayaa ku baaqay mudaaharaadyo nabadeed ka hor mudaaharaadyada la qorsheeyay maanta ee xuska Saba Saba.

Murkomen ayaa walaac ka muujiyay mudaaharaadyada rabshadaha wata ee dhawaanahan socday halkaas oo la gubay hanti dadweyne sida saldhigyada booliiska iyo maxkamadaha, wuxuuna ugu baaqay booliiska inay wax ka qabtaan dibadbaxayaasha rabshadaha sameynaya.

“Waxay leeyihiin boolisku waxaas iyo waxaas ayuu sameeyay, laakiin kuwa dhibaatada wada iyo kuwa siyaasadda u adeegsada waa kuwa dalkeenna burburinaya,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka amniga.

Murkomen ayaa ku boorriyay kuwa u soo bixi doona maanta ama maalin kale mudaaharaadyo, inay si nabad ah u sameeyaan.

Wasiir Murkomen ayaa sidoo kale ku boorriyay booliska in ay shaqadooda u gutaan si xirfadeysan, islamarkaana ay xaqiijiyaan in mudaaharaadyadu ay yihiin kuwa nabdoon.

“Waxaan rabaa inaan u caddeeyo shacabka Kenya in dalkeenna, wasaaraddeenna iyo dowladdeenna ay leeyihiin niyad wanaagsan oo lagu xaqiijinayo in muwaadiniinta ay ilaashadaan nabadda, ma jirto wax aan ku dooneyno inaan cid gaarno, ujeedkeenna waa inaan xaqiijinno in dalkeenna uu nabad ku ahaado” ayuu yiri wasiir Murkomen.

Kenya

Xigashada Sawirka, EPA

Carada dadwaynaha ayaa dib u soo cusboonaatay kadib geerida macallinkii Albert Ojwang oo sidoo kale xuquuqda dadka u dhaqdhaqaaqa, intii uu ku jiray gacanta booliiska, iyo toogashadii Boniface Kariuki oo 22 jir ahaa oo waddooyinka ku ganacsan jiray oo lagu toogtay Nairobi bishii hore.

Labada dhacdoba waxay noqdeen baaqyo ay adeegsadaan jiil dhahaya waan ka daalay qalalaasaha dawladnimo iyo ballan-qaadkii laga baxay.

In kasta oo booliisku ay sheegeen in askartii ku lug lahayd la xiray oo ay socdaan baaritaanno, abaabulayaasha mudaaharaadyada ayaa ku doodaya in kiisaskani ay ka tarjumayaan qaab aad u qoto dheer oo xadgudub iyo isla xisaabtan la’aan ah.

Ururrada bulshada rayidka ah ayaa ku baaqaya in laga fogaado ciidamada ammaanka iyo in la sameeyo baaritaan la aamini karo oo hufan oo lagu sameeyo xadgudubyada lagu eedeeyay. Iskuullo iyo ganacsiyo badan oo dalka oo dhan ah ayaa maanta xiran.

Raila

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Raila Odinga

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa isagana ugu baaqay shacabka Kenya inay isugu soo baxaan garoonka Kamukunji Stadium ee magaalada Nairobi maanta oo Isniin ah 07/07/2025, taasoo lagu xusayo mudaaharaadyadii taariikhiga ahaa ee Saba Saba.

Isagoo la hadlayay saxafiyiinta shalay, Odinga, oo sidoo kale ah hoggaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiyada Orange (ODM), ayaa sheegay in dalabaadka Saba Saba aan wali la fulin.

Odinga ayaa intaa ku daray in Kenya ay weli wajahayso arrimo badan oo la mid ah kuwii dhaliyay mudaaharaadyadii Saba Saba ee ugu horreeyay 1990, oo ay ku jiraan xaalado nololeed iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

“Ma aanan gaarin wixii ay Saba Saba rabtay,” ayuu yiri. Xadgudubyada xuquuqul insaanka ayaa weli dalka caqabad ku ah, arxan darrada booliisku waa ay jirtaa, dhaqaaluhuna ma uu noqon sidii aan rajaynaynay. Saba Saba waxa ay ahayd in ay dadka isugu keento hal ujeeddo: isbeddel.”

Raila Odinga ayaa sheegay in shakhsi ahaantiisa uu joogi doono garoonka Kamukunji Stadium, oo ah isla aagga ay dadka u ololeeya dimuquraadiyadda ay isugu soo baxeen 35 sano ka hor si ay u dalbadaan dimuqraadiyadda xisbiyada badan ee ka soo horjeeday xukunkii madaxweynihii xilligaasi Daniel Arap Moi.