Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Talyaaniga ayaa xaalad degdeg ah ku soo rogtay shan kamid ah gobolladeeda ku yaalla waqooyiga dalkaas, xilli ay halkaa ka taagan tahay abaartii ugu xumayd muddo 70 sano ah.
Cilmi baaris la sameeyay ayaa muujinaysa in dalalka Spain iyo Bortaqiiska ay iyaguna wajahayaan abaartii ugu xumayd ee soo marta muddo kun sano ah.
Ra’iisal wasaaraha Talyaaniga, Mario Draghi, ayaa Isniintii shaaciyay in 38 milyan oo dollar uu si degdeg ah ugu caawin doono gobollada kala ah; Emilia-Romagna, Friuli Venezia Giulia, Lombardy, Piedmont iyo Veneto, si wax looga qabto biyo yaraanta haysata.
Roobkii laga filayay gobollada waqooyi ee Talyaaniga ayaa intiisa badan sanadkan baaqday, waxaana meesha ka baxay dalagii laga filayay beeraha gobolladaas.Iskaashatada beeralayda ee ugu weyn Talyaaniga, Coldiretti, ayaa sheegtay inay abaarta ku waayeen dakhli ka badan 3 bilyan oo dollar.
In ka badan boqol magaalo oo ku yaalla gobolladaas ayaa shaaciyay inay tashiilayaan biyaha ay siiyaan xaafadaha.Magaalada Milan ayaa waxaa la xiray jardiinooyinka ay biyuhu ka daataan, waxaana la mamnuucay in la dhaqo gawaarida khaaska ah iyo weliba waraabinta beeraha guryaha ka dhex yaalla.
Webiga Po oo ah kan ugu dheer ee mara Talyaaniga ayaa aad u biyo yareeyay, halka dooxooyinka uu ku biyo shubo ay noqdeen biir aan wax lagu beeran karin.
Beeraleyda waqooyiga Talyaaniga ayaa ku tiirsan biyaha webiga Po, waxaana aaggaas ka soo go’a tamaadhada, xab-xabka iyo khudaarta kale.Dadka haysta lo’da ayaa ka walaacsan inay waayaan caws ay siiyaan abaarta awgeed.
Waddamada Talyaaniga iyo Norway ayaa bishii June diiwaangeliyay heer kul aan horay loo arag, oo maalmaha qaar kor u dhaafay 40 degree Celsius.
Cilmi baaris lagu soo bandhigay joornaalka Nature Geoscience ayaa lagu sheegay in waddamada Spain iyo Bortaqiiska ay sanadihii dambe wajahayeen kulayl xad dhaaf ah iyo abaar aan sanado badan la arag, arrimahaas oo loo aaneeyay isbedalka cimilada.