Wadatashi ku saabsan Diyaarinta Qorshe Howleedka 2025 Hay’adaha Dowladda oo ka furmay Muqdisho

0
55

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa maanta ku qabatay xarunta dhexe shir wadatashi ah oo lagu diyaarinayo Qorshe

Howleedka Sanadlaha ee 2025 ee Hay’adaha Dowladda Federaalka. Shirka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Shire, oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda qorshahan uu u leeyahay isku-dubbaridka hawlaha hay’adaha dowladda si loo gaaro yoolalka istiraatiijiga ah ee qaranka.

Mudane Sayid A. Cabdillaahi, oo ka tirsan Waaxda Qorsheynta, ayaa soo bandhigay qabyo-qoraalka Qorshaha Howleedka 2025. Waxa uu faahfaahin ka bixiyay howlaha muhiimka ah ee la qorsheeyay, jadwalka shaqo, iyo natiijooyinka la filayo, isagoo adkeeyay muhiimada fulinta qorshaha si waafaqsan yoolalka qaranka.

Mudane Cabdullaahi Duqow, oo ka socda Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta, ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan guulihii la gaaray Qiimeynta Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka sannadkii 2024. Waxa uu ka hadlay casharrada laga bartay iyo sida guulahaasi saldhig ugu noqon karaan qorshaha cusub ee 2025.

Intii uu shirku socday, dood furan ayaa lagu falanqeeyay talooyin muhiim ah oo ku saabsan horumarinta qorshaha. Wakiillada hay’adaha dowladda ayaa diiradda saaray arrimaha xoojinta iskaashiga hay’adaha, hagaajinta nidaamyada kormeerka iyo qiimeynta, iyo sidii loo heli lahaa dhaqaale ku filan oo lagu hirgeliyo qorshaha.

Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, Mudane Muse Maxamed, ayaa uga mahadceliyay ka qaybgalayaasha dadaalkooda iyo talooyinka wax ku oolka ah ee ay soo bandhigeen. Waxa uu hoosta ka xariiqay sida Wasaaradda uga go’an tahay hirgelinta qorshe wax ku ool ah oo waafaqsan baahiyaha dalka iyo yoolalka qaranka.