Wada xaajoodka ay Manchester United la bilawday Varane, Chelsea oo hoggaanka u heysa iyo koox saddexaad oo kula tartammeysa saxiixa difaaca Real Madrid

0
185

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxaha kubadda cagta Manchester United iyo Chelsea ayaa ku dagaallamaya saxiixa difaaca kooxda Real Madrid ee Raphael Varane kaasoo xagaagan lagu soo warramayo inuu ka dhaqaaqi karo horyaalka La Liga.

Red Devils ayaa haatan lagu soo warramayaa inay wada xaajood la bilawday wakiillo matalata Varane si ay ugu qanciso ku biirsta Old Trafford, iyadoo ay maanka ku heyso loollanka adag ee ay kala kulmeyso naadiga Blues.

Jariiradda Manchester Evening News ayaa sheegtay in kooxda Old Trafford ka dhisan ay haatan diyaarineyso dalab aanan qiimihiisa la shaacin balse ay dooneyso inay Madrid kaga soo kexeyso laacibka Faransiiska ah.

Se taas baddelkeed, majaladda football.london ayaa dhankeeda warineysa inay Chelsea ku horreyso raacdada lagu helayo adeegga Varane, maadaama haweeneyda kooxda London ka dhisan u qaabilsan dhanka suuqa kala iibsiga ee Marina Granovskaia ay diyaar u tahay inay bixiso lacagta ay Los Blancos dul dhigtay saxiixa 28-jirka difaaca dhexe ee ah 61 milyan oo gini.

Si kastaba ha ahaatee, qandaraaska Varane ee Real Madrid ayaa dhici doona xagaaga dambe ee 2022, waxaana uu xiddigan iska diiday inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa isagoo u sheegay inuu doonayo ka hayaamidda caasimadda Spain.

Dhanka kale, Majaladda Mirror ee kasoo baxda England ayaa sheegtay inay Liverpool qayb ka tahay kooxaha doonaya saxiixa difaaca Real Madrid, waxayna majaladdu warkeeda ku dartay in Reds ay goor hore Madrid u gudbisay dalab qiimihiisu gaarayo 40 milyan oo gini, se nasiib darro kooxda reer Spain ayaa ku gacan seertay Liverpool.