Wada-hadallo Mareykanka iyo Ruushka uga furmaya Riyadh.

0
59

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Saraakiil sare oo ka kala socda Ruushka iyo Mareykanka ayaa Talaadada ku kulmi doona Sucuudiga si ay uga wadahadlaan hagaajinta xiriirka labada dal, suurtagalnimada xabbad-joojin ka dhacda Ukraine, iyo kulan la filayo in uu dhex maro madaxweynayaasha labada dal Vladimir Putin iyo Donald Trump.

Wadahadalladan ayaa imanaya iyadoo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo colaadda Ukraine ay sare u kacayaan. Talaabadan ayaa daba socota markii madaxweynaha Mareykanka uu toddobaadkii hore telefoon kula xiriiray Putin iyo Volodymyr Zelensky, isaga oo labada madaxweyne ku cadaadiyey inay joojiyaan dagaalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, iyo lataliye sare oo ka tirsan xafiiska Putin, Yury Ushakov, ayaa lagu wadaa inay Isniinta maanta ah u duulaan Riyadh, sida uu shaaca ka qaaday afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov.

“Wadahadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Ruushka waxay si gaar ah diiradda u saari doonaan soo celinta xiriirka dhameystiran ee labada dal,” ayuu yiri Peskov.

Moscow waxay sidoo kale dooneysaa in lagala hadlo arrimo amni oo ballaaran oo ka baxsan xabbad-joojin suurtagal ah oo laga gaari karo Ukraine.

Ruushka ayaa marar badan si adag u cambaareeyay joogitaanka NATO ee bartamaha iyo bariga Yurub, isaga oo dalbaday in ciidamada xulafada Reer Galbeedka laga saaro dhowr dal oo bariga Yurub ah. Dalabkan ayaa la hordhigay kahor inta uusan Ruushku qaadin weerarkiisii ballaarnaa ee Ukraine bishii Febraayo 2022.

Kulamada Riyadh ayaa sidoo kale lagu falanqeyn doonaa “wadahadallo suurtagal ah oo ku saabsan xalka Ukraine iyo abaabulidda kulan dhex mara labada madaxweyne,” sida uu Peskov u sheegay warfidiyeenka.