Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Arsenal waxa ay garoonkeeda Emirates Stadium ku qaabbili doontaa Liverpool oo ay wareegga saddexaad ee FA Cup foodda isku dari doonaan, iyadoo midkood ay ka mid noqon doonto 32ka kooxood ee usoo gudbaya wareegga afraad ee tartanka.
Axadda ayaa Liverpool iyo Arsenal loogu goleyn doonaa Emirates Stadium, iyagoo laba usbuuc ka hor barbarro kusoo galay garoonka Anfield kulankoodii horyaalka Premier League, isla markaana bisha February horraanteeda ku ballansan ciyaartooda labaad ee horyaalka.
Arsenal ayaa waxa ciyaartan ay ku ciyaari doonaa dhar caddaan ah, iyaga oo beddeli doona midabkooda casaanka ah, waxaana si gaar ah loogu naqshadayn doonaa garamada ay ciyaartoydu xidhanyaaan oo noqonaya kuwo naqshad ahaan ka duwan sidii hore.
Laba jeer oo hore ayay Arsenal ku ciyaartay dhar caddaan ah, waana ciyaartii guul-darrada wareegga saddexaad ee January 2022 ay Nottingham Forest ku garaacday iyo guushii 3-0 ahayd ee ay ka gaadheen Oxford United January 2023.
Sida uu qoray wargeyska The Telegraph, Arsenal ayaa wxa ay mar kale u xidhanaysaa dharka cad in ay ku taageerto ololaha ka dhanka ah dembiyada mindiyaha, iyadoo bishii June ee sannadkii 2023 la sheegay in magaalada London mindi lagu waxyeelleeyey in ka badan 13,500 qof.
Ololahan oo calaamad looga dhigay midabka caddaanka ah, isla markaana casaan la mariyey mindiyo lagu xardhay calan cad ayaa Arsenal ay sannadkii labaad oo xidhiidh ah ku taageeri doontaa kulankeeda FA Cup ee Liverpool ee Axadda.