Waa Kuwee Xiddigaha Liverpool Ee Indho-daraandarka Ku Riday Jurgen Klopp Tababarkii Ugu Horreeyey Ee Xagaagan?

0
157

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Ciyaartoyda kooxda kubadda cagta Liverpool waxay dib ugu soo labteen tababarka ay iskugu diyaarinayaan xilli-ciyaareedka cusub ee bil kaddib bilaaban doona, waxaanay indhaha taageereyaashu kusii jeedaan saxeexyada qaaliga  ah ee ay kooxdoodu samaysay xagaagan ee Alexis Mac Allister iyo Dominik Szoboslai, kuwaas oo ay dersin ciyaartooyo da’yar ah ku wehelinayaan tababarka.

Tababare Jurgen Klopp ayaa labadan saxeex ee cusub, kuwa ruug-caddaayada ah iyo da’yar ugu yeedhay tababarkii shalay, waxaana uu fiirinayaa kuwa saamaynta yeelan karaya ee uu kooxdiisa koowaad ku aaminayo xilli-ciyaareedkan.

Dhawr ciyaartoy ayaa la sheegay in tababare Jurgen Klopp ay indho-daraandar ku rideen markii uu daawaday tababarkoodii ugu horreeyey ee xagaagan, waxaana uu si buuxda ugu qancay in Tyler Morton uu yahay ciyaartoy uu ku aamini doono kooxdiisa koowaad ee uu sagaalka kulan u dheelay xilli-ciyaareedkii 2021/22, isla markaana amaahda uu tayadiisa sare ugu soo qaaday uu sannadkii ugu dambeeyey ugu maqnaa Blackburn Rovers.

Waxa kale oo tababare Jurgen Klopp uu la dhacay xirfadda ay muujiyeen Bobby Clark oo ah, Luke Chambers, Conor Bradley, Ben Doak iyo Dominic Corness.