Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa tilmaamay mid kamida da’yarta kooxdiisa oo uu u arko inuu yahay hoggaamiyaha mustaqbalka.
Ciyaaryahankaas ayaa ah khadka dhexe ee ree Uruguay ee Federico Valverde oo wacdarro ka dhigay kulankii ay shalay guusha 4-1 ka ah ka gaadheen Real Mallorca.
Real Madrid ayaa sii joogtaysay rekoodhka 100% ah ee ay xilli ciyaareedkan ku socotay waxaana goolka looga hormaray barbardhiisa kahor dhammaadkii qaybtii hore kasoo guday Valverde.
Carlo oo kulanka kaddib waraysi siiyay wargeyska Marca ayaa sheegay inuu Valverde aad muhiim ugu yahay kooxdiisa isla markaana yahay hoggaamiyaha mustaqbalka.
“Isagu waa hoggaamiye, Federico aad iyo aad ayuu muhiim noogu yahay anaga. Isagu si aad u wanaagsan ayuu samaynayaa, isagu waa mid aan isla weyneyn tanina waxay ka caawin kartaa inuu noqdo mustaqbalka hoggaamiye” ayuu yidhi Ancelotti.
Kulanka xiga Los Blancos ayaa ciyaar Champions League ah soo dhawaynaya RB Leipzig kahor inta aysan haddana La Liga kulan Madrid Derby ah la yeelan Atletico Madrid.