Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kulankii Classico ee xalay dhex maray kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa dunida si weyn u baray da’yarka usoo kacaya Barca ee Fermin Lopez, 20 sano jirkaas ayaa gool cajiib ah meel xerada ganaaxa ka baxsan ka dhaliyay si uu natiijada 2-0 uga dhigo kulankaas.
Da’yarkan kasoo aflaxay kuliyada La Masia ayaa xagaagan cajab galiyay tababare Xavi Hernandez isagoo khadka dhexe fursad ka siiyay qaybtii dambe ee kulankii Madrid.
Fermin ayaa daqiiqadii 66-aad bedel ku yimid isagoo aan wakhtigiisa khasaarin isla markaana baas uu banaanka xerada ganaaxa ku helay ku toogtay xagasha sarre ee dhinaca bidix ee goolka Courtois masuulka ka ahaa.
Lopez ayaa intaas ku hakan balse sidoo kale ka qayb qaatay goolka saddexaad ee soo gabo-gabeeyay ciyaarta isagoo ka caawiyay Ferran Torres.
Fermin ayaa Barcelona dhinaca Real Betis kaga soo biiray sanadkii 2018 isagoo 15 sano jir ah, markii uu tababarka kooxda la bilaabay xagaagan ayuu ku qancay Xavi oo go’aansaday inuu safarka Maraykanka u wado iyadoo go’aankaas durba midhihiisii muuqdaan.
Da’yarkan ayaa xilli ciyaareedkii hore amaah kula joogay kooxda Linares oo uu 12 gool iyo 4 caawimo ugu soo sameeyay 40 kulan, Barcelona ayaan noqon mid aan mooganaan hibadiisa.
Xavi Hernandez, macalinka Barca ayaa kaddib kulankii Real Madrid ee xalay xaqiijiyay inaysan amaah ku dirayn Fermin sanadkan ee uu la joogi doono kooxda.