“Waa Koox Weyn, Anigu Kuma Odhan Karo– Caicedo Oo Caddeeyay Halka Uu Ka Joogo Ku Biirista Chelsea

0
85

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Khadka dhexe ee kooxda Brighton ee Moises Caicedo oo haatan mudo lala xidhiidhinayo kooxda Chelsea ayaa si cad uga hadlay wararka la xidhiidhinaya kooxda ree London iyo booska uu ka joogo.

Kooxda tababare Mauricio Pochettino ayaa haatan wadahadalo kaga jirta saxeexa Caicedo, Brighton ayaa meel adag taagan oo 100 Milyan oo pound qabsatay kaddib markii ay aragtay qiimaha Arsenal ka bixisay Declan Rice.

21 sano jirkan ayaa bishii January isku dayay inuu qasbo heshiis Arsenal lagaga iibinayo isagoo xataa qirtay inay ku adkayd inuusan heshiiskaasi qabsoomin.

Haatan Caicedo ayaa si cad u sheegay in Chelsea tahay koox weyn oo taariikhi ah isla markaana uusan maya ku odhan karin ku biiristeeda.

“Waa koox weyn, midaasi waa dhab. Koox aad u taariikh badan ana maya kuma odhan karo sababtoo ah waa koox weyn, taariikh leh, koox qurux badan. Magaaladu (London) way qurux badantahay sidoo kale” ayuu Moises u sheegay La Cancha Con Majo.

Caicedo ayaa sanadkiin 2021 heshiis ku kacay 4.5 Milyan pound ugu soo wareegay Seagulls, haddii ay ku iibiyaan qiimaha ay ku doonayaan ayay ka samaynayaan faa’ido dhan 95.5 Milyan pound.

Caicedo ayaa kasoo caawiyay Brighton inay tartanka UEFA Europa League usoo baxday markii ugu horreysay taariikhdeeda.