Waa kee ciyaaryahanka uu Tababare Jurgen Klopp ku rajo weyn yahay inuu heshiis cusub u saxiixi doono Liverpool??

0
206

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Kaddib guushii ay xalay ka gaareen Wolves, Macallin Jurgen Klopp ayaa ku rajo weyn inuu heshiis cusub u saxiixi doono Liverpool mid mid ka mid ah xiddigaha heshiiskoodu ku dhow yahay inuu dhammaado.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ku rajo weyn in laacibkiisa khadka dhexe ee Gini Wijnaldum uu heshiis cusub saxiixi doono kaddib markii uu gool dhaliyey kulankii ay 4-0 uga adkaadeen xalay naadiga Wolves.

Image

Klopp ayaa u sheegay Warsidaha Amazon markii la weydiiyey wax ku saabsan heshiis kordhinta xiddiga reer Holland: “Waxaan rajeynayaa sidaas, waad arki kartaa inuu ciyaaro markasta, waxaan leennahay xiriir aad u wanaagsan.”

Wijnaldum ayaa heshiiskiisa haatan uu kula jiro kooxdiisa Liverpool waxa uu ku eg yahay dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha noqotee, guushii ay xalay Liverpool ka gaartay Wolves ayaa ka dhigan inay Reds 65 kulan garoonkeeda guuldarro la’aan ku tahay kulammada horyaalka.