Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiriirka Caalamiga ah ee Kubadda Cagta (FIFA) ayaa shaaca ka qaaday xiddiga ku guulaystay Abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee The Best.
Xaflada lagu shaacinayo Abaalmarinta ayaa lagu qabtay magaalada Doha ee dalka Qatar.
Liiskan waxaa ku jira 11 musharax oo kala ah Vinicius Junior, Kylian Mbappe, Jude Bellingham, Fede Valverde iyo Dani Carvajal, ciyaaryahankii hore ee Real Madrid Toni Kroos iyo labada ciyaaryahan ee Manchester City Erling Haaland iyo Rodri.
Sidoo kale waxa ku jira Ciyaaryahanka Barcelona Lamine Yamal, xiddiga Inter Miami Lionel Messi iyo ciyaaryahanka Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz.
Xiddiga Vinicius Junior ayaa ku guulaystay Abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka.
Vinicius Junior ayaa door ku lahaa in Real Madrid ay ku guuleysato seddexda koob ee Spanish League, Champions League iyo Spanish Super Cup xilli ciyaareedkii hore.