Manchester City oo ahayd kooxda fursadaha fiican ee sida dardarta ah ku bilaabatay qaybta hore ayaa iska khasaarisay dhawr fursadood oo dahabi ahaa.
Ruben Diaz ayaa badbaadiyey kubbad halis ahayd oo uu Vinicius Junior ka keenay dhinaca bidix oo soo dhaaftay goolhaye Ederson, taas oo iyadoo kusii socota Karim Benzema oo meel cidlo ah taagan uu isku tuuray oo uu dib u celiyey.
GOOOOAAAAALLLLL!!! Real Madrid ayaa hoggaanka ku qabatay gool qurux badan daqiiqaddii 36aad, iyadoo kubbad ay kasoo wada shaqeeyeen Luka Modric iyo Camavinga ay meel bannaanka ah ugu dhiibeen Vinicius, waxaana darbad xooggan oo uu ku toogtay ay haleeshay shabaqa oo dhinaca midig ee Ederson ah.
Kubadda Manchester City ayaa uu hoos u dhac ku yimid kaddib markii ay Real Madrid dhalisay goolka, waxaanay dib ugu noqotay khadka dhexe iyo difaaca iyaga oo u muuqanayay inay ka naxeen goolka lagala hormaray.
Qaybta labaad ayay labada kooxood lasoo noqday laba marxaladood oo kala duwan oo ay Real Madrid doonaysay inay is-difaacdo sidoo kalena gool labaad raadiso, halka Manchester City aanay jirin wax ay la hadhaysay oo ay gool raadinaysay.
Kevin De Bruyne ayaa kubbad uu kala soo galay dhinaca midig waxa uu darbad xooggan ku toogtay goolka, taas oo nasiib wanaag uu gacanta la helay Thibaut Courtois ka hor intii aanu David Alaba dibedda uga saarin.
Real Madrid ayaa ku doodday in rikoodhe lagu siiyo kubbad u muuqanaysay inay gacanta kaga dhacday Jack Grealish iyo Ruben Dias, balse garsooraha ayaa ku qanciyey in aanay waxba jirin.
GOOOAAAALLLL!!!! Kevin De Bruyne ayaa gool qurux badan ku barbarreeyey ciyaarta isaga oo masaafo 30 yard ah ka toogtay laad awood badan oo uu goolhaye Courtois ku hambabaray iyadoo kubaddu shabaqiisa dhax taalla.
Real Madrid ayaa uu nasiibku diiday waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta, kaddib markii uu Ederson badbaadiyey kubbad awood badnayd oo uu Tchouaméni bannaanka ka toogtay, taas oo koorne u baxday.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-1 ay labada kooxood ku kala baxeen lugta hore, waxaanay ku kala bixi doonaan lugta labaad oo Arbacada toddobaadka dambe ka dhici doonta Etihad Stadium.