Vin Jr Mise Rodri? Rafael Leao Oo Doortay Dookhiisa Abaalmarinta

0
32

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga reer Portugal iyo kooxda AC Milan ee Rafael Leao ayaa sheegay in aanu Rodri u qalmin ku guulaysiga abaalmarinta Ballon d’Or 2024.

Waxa uu aaminsan yahay in Vinicius Junior ay ahayd inuu ku guuleysto abaalmarinta marka loo Bar-baro dhigo Rodri.

Xafladii Ballon d’Or ee sanadkii hore ayaa la arkay muran ka dib markii Rodri abaalmarinta ku Garaacday xiddiga reer Brazil.

Labada ciyaaryahan ayaa loo tixgeliyey inay yihiin kuwa ugu horreeya marka loo eego faa’iidooyinkoodii xilli  ciyaareedkii hore, inkastoo dad badan ay u arkeen inuu xiddiga reer Brazil u qalmay abaalmarinta.

Vinicius ayaa qaab ciyaareed heer sare ah ku soo bandhigay Real Madrid xilli ciyaareedkii hore isaga oo ka caawiyay in ay ku guulaystaan LaLiga iyo Champions League.

Waxa uu dhaliyay 25 gool waxana uu caawiyay 12 gool 40 kulan oo tartamada oo dhan ah waxana uu ahaa gool dhaliyaha ugu sareeya kooxda.

Dhanka kale, Rodri ayaa xilli ciyaareed aad u wanaagsan la qaatay Manchester City iyo Spain, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu door wanaagsan ka ciyaaray labada dhinac.

Waxa uu horyaalka Premier League la qaaday Cityzens xilli ciyaareedkii hore ka hor inta uusan 2024 horyaalka Yurub kula guuleysan La Roja.

Wareysi uu siiyay Gazzetta Rafael Leao ayaa wax laga weydiiyay doorkiisa Ballon d’Or 2024 Wuxuu yiri”Yaa ku guuleysan lahaa Ballon d’Or 2024? Vini Jr.”