Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka cusub ee Arsenal, Viktor Gyokeres, ayaa shaaca ka qaaday hamigiisa iyo rabitaankiisa ah inuu noqdo mashiin goolal dhalin ah marka uu xirto maaliyadda kooxda Gunners.
“Mar walba waxaan doonayaa inaan dhaliyo goolal.
Ka mid ahaanshaha kooxdan, goolal inaan u dhaliyo anigoo xiran maaliyaddan iyo astaanteeda taageerayaasha hortooda — waan sugi kari la ahay. Waa dareen cajiib noqon doona.”
Wuxuu ku soo billaabay xirfadiisa England, isagoo xusay :
“Waxaan dareemayaa in aan si weyn u koray tan iyo markaas. Hadda waxaan doonayaa inaan runta muujiyo oo aan kooxda u horseedo waxqabad dhab ah.”
Isagoo ka hadlayay xulka qaranka Sweden iyo tartamada waaweyn, wuxuu yiri:
“Sharaf weyn ayay ii tahay in aan dalkayga u ciyaaro oo aan goolal u dhaliyo.
Markii aan joogay Sporting, waxaan dhaliyay goolal Champions League ah, taasoo igu kaliftay inaan aamino in aan heerkaas ka mid ahay.”
Xog muhiim ah:
- Gyokeres wuxuu dhaliyay 63 gool 58 kulan oo uu u ciyaaray naadiga iyo qaranka xilli-ciyaareedkii la soo dhaafay.
- Arsenal ayaa u aragta laacibkan inuu yahay – No.9 goolal dhalin kara oo ay ku hamminayeen sanado badan.
Wuxuu intaas ku daray:
“In aan imid koox heerka Arsenal ah waxay iga caawin doontaa inaan sii wanaajiyo waxqabadkeyga, anigoo ka garab ciyaaraya ciyaartoy layaab leh. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan imid kooxdan”