Viktor Gyökeres Oo Qaaday Tallaabo Ka Caawinaysa In Uu Ku Biiro Arsenal, Muxuu Sameeyay?

0
34

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga kooxda Sporting Lisbon ee Viktor Gyökeres ayaa qaaday Tallaabo ka caawinaysa in uu ku biro Arsenal suuqa xagaagan.

Arsenal ayaa dar-dar galisay baacsiga ay ugu jirto saxiixa xiddiga kooxda Sporting Lisbon ee Viktor Gyökeres si ay u hesho saxiixiisa.

Kooxda Sporting Lisbon ayaa dalbanaysa lacag ka badan midka ay Arsenal diyaarka la tahay si ay u fasaxdo xiddiga reer Sweden.

Sidaas darted xiddiga Viktor Gyökeres ayaa ka tanaasulay 2 milyan oo mushaharkiisa ah si uu ugu biiro kooxda Arsenal suuqa xagaaga