Van Dijk Oo Shaaciyay Hal Arrin Oo Uu Aad Uga Cadhooday Oo Ay Sameeyeen Taageerayaasha Kulankii Crystal Palace

0
35

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kabtanka Liverpool, Virgil van Dijk, ayaa sheegay inuu ka niyad jabay in daqiiqadihii aamusaanta ee loo qorsheeyay xusuusta Diogo Jota loo joojiyay dhibaato ay sameeyeen taageerayaal ka mid ahaa kuwii joogay Wembley.

Liverpool ayaa Axaddii la ciyaartay Crystal Palace kulankii Community Shield, waxaana lagu kala baxay rigooro 3-2 kaddib markii waqtigii caadiga ahaa lagu kala baxay 2-2.

Aamusaanta ayaa lagu xusayay Jota iyo walaalkiis Andre Silva, kuwaas oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay waqooyiga Spain Khamiistii, 3-dii Luulyo. Hase yeeshee, waxaa lagu qasbanaaday in la joojiyo kadib markii taageerayaal ka tirsan Palace ay carqaladeeyeen, taas oo keentay in taageerayaasha Liverpool ay qeyliyaan si ay uga jawaabaan.

Van Dijk ayaa yiri: “Haa, waan ka niyad jabay. Taasi waa waxa kaliya ee aan sheegi karo. Ma garanayo cidda sidaas sameysay, laakiin waxaa jiray dad badan oo isku dayayay inay aamusiyaan xaaladda, balse sida muuqata taasi waxba ma tarin.”

Wuxuu intaas ku daray: “Waa sida ay tahay, ma awoodid inaad xakameyso inta taageere ee joogta garoonka… miyaad aamusin kartaa 80,000 oo qof oo garoonka jooga? Marka, waa niyad jab in sidaas la maqlo, balse haddii qofkaas ama dadkaas ay gurigooda ku laabtaan oo ay ku faraxsan yihiin wixii ay sameeyeen, markaas waa arrin naxdin leh…”