Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Virgil van Dijk ayaa mar kale ku booriyay jamaahiirta Liverpool in ay ku raaxaystaan tartanka premier League isaga oo sheegay in ay lama filaano badan ka dhici doonaan tartanka premier League.
Laakin kabtanka Reds ayaa ku adkeysanaya in qof kasta oo ka walwalsan awooda in ay xejistaan dhibcaha ay ku hogaaminayaan horyaalka in uu xasuusto shaqadii ay qabteen xilli ciyaareedkii 2019-20.
Kooxda Arne Slot ayaa dib uGu ceshatay 7-dii dhibcood ee ay ku hogaaminaysay horyaalka markii ay Axadii ka badisay Wolves.
Haatan Reds ayaa booqan doonta Aston Villa kulan adag Arbacada ka hor inta ayna hadana booqan Man City Axada dambe kulan la go’amin karo tartanka.
“Waxa aan todobaadyo ka hor sheegay, waa in aan ku raaxaysano tartanka”ayuu Van Dijk yidhi.
“Waxa jiri doona lama filaano badan, waa in aan diyaar noqono, waxa soo socda dhawr bilood dag laakiin waxa aan dareemayaa in aan diyaar u nahay koox ahaan”.