Van dijk Oo Farriin Culus U Diray Ciyaartoyda Liverpool Kadib Guuldarradii AC Milan

0
15

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Virgil van Dijk ayaa si daacad ah uga hadlay guuldarradii 4-2 ee ay Liverpool kala kulantay AC Milan kulankii saaxiibtinimo ee diyaar garowga xilli-ciyaareedka, isagoo qiray in guuldarro waligeed aysan wanaagsanayn, balse ay muhiim tahay in cashar laga barto.

Van Dijk ayaa yiri:

“Dabcan, cidna ma rabto inay guuldarreysato, marka ma ahan wax togan.
Laakiin imaatinka halkan, taageerayaal badan oo noo sacbinaya, shaqada adag ee aan maalin walba qabanaynay waa wax aan la rumaysan karin – waana tan sababta loo ciyaaro kulamada noocaan.”

Isagoo ka hadlayay waxyaabaha ay u baahan yihiin inay hagaajiyaan:

“Waxa uu tababaruhu sheegay ayaa dhab ah – waxaa jiraan meelo ciyaartayada ah oo u baahan horumar, waana sameyn doonnaa. Waxaa weli jira waxyaabo badan oo wanaagsan.”

Wuxuu xusay waxqabadka qeybtii hore:

“Qeybtii hore gaar ahaan, markaan kubadda haysannay, waxaa jiray waqtiyo aad u wanaagsan. Waxaan abuurnay fursado fiican.
Rio Ngumoha, sidaad sheegtay, isna wuxuu lahaa daqiiqado fiican. Waa inaan sii wadnaa horumarka, tallaabo tallaabo isbeddel u muujinnaa, jir ahaan sii xoogeysanaa.”

Wuxuu ku adkeystay muhiimadda diyaar garowga:

“Waxaan weli haysannaa labo ama saddex kulan si aan ugu diyaar garowno Community Shield-ka, waxaana nagu waajib ah inaan si xad dhaaf ah u shaqeyno, sida aan horey usoo sheegay.”

Liverpool ayaa si liidata u difaacatay weerarada deg-degga ah ee Milan, taasoo keentay afarta gool ee laga dhaliyay.

Si kastaba, Liverpool ayaa hadda bilow uun ku jirta xilli-ciyaareedka cusub, natiijaduna ma ahan mid aad muhiim u ah waqtigan.